Shirkadaha buugaagta daabaco oo cambaareeyay soo saaridda buug muran dhaliyay

Ururka ay ku mideysanyihiin shirkadaha buugaagta daabaco ee dalka ayaa si kulul u cambaareeyay soo saaridda buug maalmahan la hadal hayay.
Buuggaan oo loogu magacdaray Blood Ties ayaa waxaa daabacday shirkadda Story Moja.
Waxaa weli la isweydiinayaa sida ay ku dhacday in buuggan oo lagu qoray luqad anshax darro ah uu ardayda u gudbo.
Guddoomiyaha shirkadahan Mr. Lawrence Njagi ayaa xusay in wasaaradda tacliinta gaar ahaan machadka horumarinta manaahijta ee KICD aynan buuggaasi ansaxin.
Dhanka kale wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa dhawaan sheegtay in maamulihii oggolaado in dugsiga uu maareeya lagu isticmaalo buug machadka KICD uunan meel marin uu muteysanayo xabsi saddex sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here