Shirkadaha oo lagu amray inay shaqaalahooda fasaxaan 4-ta galabnimo

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiangi ayaa wargeyska rasmiga ee Dowladda ku soo daabacay in dadka iyo shirkadaha loo shaqeeyo laga doonayo inay howlwadeenadooda fasaxaan ugu dambeyn 4-ta galabnimo ee saacadda bariga Afrika.
Waxaa inay xilli hore guriyahooda aadaan loo ogolanayaa shaqaalaha aan hayn adeegyada aadka muhiimka u ah.
Amarkan ayaa looga gol leeyahay inuunan wakhtiga ka dhicin oo ay guriyaha ku sugnaadaan ka hor 7-da fiidnimo.
Gudaha dalka ayaa waxaa habeenkii ka jiro Bandow uu ku dhawaaqay madaxweyne Uhuru Kenyatta kaasoo dhaqangalay 27-kii bishii hore.
Waxaa uu bandowga shaqeynayaa inta u dhaxaysa 7-da fiidnimo ilaa 5-ta aroornimo.
Abaanduulaha booliska ee dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa dhankiisa wacad ku maray in cidii aan ogolaansho haysan oo bannaanka lagu arko saacadaha uu bandowga shaqeeynaya tallaabo adag laga qaadaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here