Shirkadaha Soomaaliya Maalgashada oo Caymis loo Samaynayo.

Wasiirka wasaarada Qorshaynta,Maalgashiga iyo Hormarinta dhaqaalaha ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Xassan ayaa sheegay in howlaha Maalgashiga Soomaaliya loo jahaynayo si wanaagsan islamarkaana laga dhigidoono Jawi la aamini karo si ay u nagaato Kalsoonida Ganacsatada.
Wasiir Jamaal ayaa balan qaaday in Caymis loo Samayn doono Ganacsatada Soomaalida iyo kuwa Ajaanibta ah ee dalka Maalgashada.
Wasiirka ayaa sheegay in Todobaadka Soo socda hay’ada IFC oo ka shaqaysa arimaha Ganacsiga ay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya dalka ka shaqo bilaabi doonta maadaama ay Heshiis Cusub la saxiixan doonaan.

Wixii ka danbeeyay sanadkii 1991-kii oo ay burburtay dowldii Milatariga ee Soomaaliya waxaa meesha ka baxay dhamaan Kaabayaashii dowlada sidoo kale ma jirin waxyaabo ganacsiga gudaha iyo Maalgashiga dibada midkooda dhiiro galinayay oo dalka ka jira balse hada dowlada Jirta ayaa sheegtay inay dib u soo noolaynayso waxyaabaha muhiimka ah ee ganacsiga iyo maalgashiga sare u qaadayo si ay kaalin uga qaadato hormarka iyo Soo kabashada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here