Shirkadd ku taala Japan oo markii ugu horreysay si guul leh gaari duulaya tijaabisay

Shirkad laga leeyahay dalka Japan ayaa ku dhawaaqday tijaabada guusha ee gaari duulaya kaas oo u ku jiro darawal.
Sky Drive Inc. ayaa qabatay isu imaatin dadweynaha 25-kii Ogosto, shirkaddu waxay ku sheegtay war-bixin ay soo saartay goobta Toyota Test Field, halkaas oo ka mid ah kuwa ugu weyn Japan iyo hoyga saldhigga horumarinta shirkadda gawaarida.
Waxay ahayd kulankii ugu horreeyay ee dadweyne loogu qabto gaari duulaya taariikhda Japan.
Gaariga, oo lagu Magacaabo SD-03, ayaa ku jiray duuliye, wuxuu garoonka ku dul wareegayay muddo illaa afar daqiiqo ah.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan gaarnay duulimaadkii ugu horreeyay abid ee Japan ee baabuur ah oo aan ka shaqeeneynay labadii sano ee ugu dambeysay tan iyo markii aan aasaasnay SkyDrive iyadoo ujeedkeedu yahay in laga ganacsado baabuurta noocan ee duula,” ayuu yiri madaxa shirkadda Tomohiro Fukuzawa.
SD-03 waa baaburkii ugu horeeyay ee yar ee ku shaqeeya korontada si toos ah nah u duula una soo caga dhigta adduunka waxuna qaataa booska ilaa laba gaari oo taagan, sida ay sheegtay shirkadda. Waxuu leeyahay sideed matoor si loo hubiyo “nabadgelyada xaaladaha degdegga ah.”
Shirkadda waxay rajeyneysaa inay ka dhigato gaariga duulimaadka inuu noqdo qeyb ka mid ah nolosha caadiga ah oo aan kaliya ahayn badeecad.
Duulimaadyo badan oo tijaabo ah ayaa dhici doona mustaqbalka iyada oo la raacayo xaalado kaladuwan si loo hubiyo in amniga iyo tikniyoolajiyada gaariga ay la jaan qaadaan heerarka warshadaha.
Guusha duulimaadkan waxay ka dhigan tahay inay u badan tahay in gaariga lagu tijaabin doono meel ka baxsan aagga tijaabada Toyota dhamaadka sanadka.
Ila iyo hadda lama shaacin qiimaha lagu iibin doona baaburka duulaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here