Shirkadda diyaaradaha ee Emirates oo dib u billaabaysa duulimaadyadii Suudaan

Shirkadda diyaaradaha ee Emirates ayaa sheegtay in 8-da bishan todobaad ay mar kale dib u billaabi doonto duulimaadyadii ay ku tagi jirtay caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum.
Waxay shirkaddu sheegtay inay go’aankan qaadatay kaddib dabagal ay si hoose ugu sameysay xaaladda wadankaasi.
Duulimaadyada ayaa noqonaya kuwo si toos ah isugu xiraya magaalooyinka Dubai iyo Khartoum.
Arrimahan ayaa waxaa shaaca ka qaaday ku xigeenka sare ee madaxa howlaha ganacsi ee shirkaddan Orhan Cabbas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here