Shirkadda duulimaadyada ee dalka oo bayaan ka soo saartay safarrada Shiinaha

Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaan weli joojin safarrada ay ku tagto dalka Shiinaha oo uu caaq saameyn ba’an ku yeeshay.
Dhawaan ayay ahayd markii baaq arrinkan ku aaddan uu ka soo yeeray safiiradda Kenya halkaas ku matasho , Sarah Serem.
Bayaan ay shirkadda KQ soo saartay ayaa lagu xusay in la xoojiyay xaqiijinta badqabka shaqaalaha diyaaradaheeda iyo rakaabka.
Waxay intaas ku dartay inaan qof rakaab ah loo ogolaan doonin inuu diyaarad ay Kenya Airways leedahay ka soo raaco magaalada Wuhan iyo degmooyinka dariska la ah ee Shiinaha ilaa iyo inta baaritaano ay ka sameynayaan maamullada caafimadka ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee gobolka Guangzhou kaddibna laga hubinayo inuunan firusiga CoronaVirus qabin.
Sido kale shirkadda ayaa xustay in iyadoo kaashanaysa wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha dibadda ay si dhow ula socon doonto waxyaabaha Shiinaha ka soo cusboonaado.
Macaamiisha shirkadda ayaa lagu wargeliyay in qiimeyn dhinacyo badan ah la sameynaya oo tallaabada xigta xilliga ku habboon la soo sheegi doono.
Sarah Serem ayaa shalay shirkadda Kenya Airways ugu baaqday inay hakiso duulimaadyada ay wadankaas ku tagto.
Waxay hoosta ka xarriiqday in loo baahan yahay in KQ aynan wax safar ah Shiinaha ku tagin ilaa iyo inta laga xakameynaya cudur sidaha saameynta yeeshay.
Sido kale waxay carrabka ku dhufatay inaynan wax micno ah lahayn in la soo daadgureeyo muwaadiniinta Kenyaanka ee Shiinaha ku nool kaddibna la keeno dalka maadaama halis weyn ay horseedi karto.
Safiiradda ayaa ku nuuxnuuxsatay in dowladda Kenya ay si dhow ula socon doonto xaaladda muwaadiniinteeda ku sugan Shiinaha gaar ahaan magaalada Wuhan.
Hadalka Sarah Serem ayaa ku soo aaday kaddib markii arday wadanka u dhashay oo ka soo laabtay Shiinaha lagu karantiilay isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Hasa ahaate wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa xustay inuunan jirin walaac hadda la doonayo in la muujiyo.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa dhankeeda Kenyaanka uga digtay in safarro ama socdaal  aan  aad muhiim u ahayn ay ku tagaan  magaalada Wuhan  ee gobolka Hubei ee  Shiinaha.

Sido kale   shirkadda duulimaadyada ee British Airways ayaa shalay  hakisay codsiyada   la xiriira safarrada.

Barteeda rasmiga ayaa lagu shaaciyay  in ilaa bisha saddexaad ee sannadkan  aynan jiri doonin duulimaadyada tooska ee u kala goosha  magaalooyinka  London iyo  Beijing.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here