Shirkadda Facebook oo meesha ka saartay akoontiyo laga leeyahay wadamo dhowr ah

Shirkadda Facebook oo ka mid ah baraha ay bulshada ku wada xariirto ayaa sheegtay inay meesha ka saartay bogag , baraha kooxaha ee wada sheekeysiga iyo akoontiyo shakhsiyaad oo laga leeyahay wadamada isku tagga imaraadka carabta, Masar ,Nigeria iyo Indonesia.
Tallaabadan ayaa loo aaneeyay iskudubarid ku aaddan habdhaqamo aan wanaagsaneyn.
Faceebook ayaa tirtay 280 akoontiyo ah, 149 bogag ah , 43 kooxo ama gurubyo ah iyo 121 akoonti oo lagu isticmaalayay Instagram.
Waxyaabaha barahaasi lagu faafiyay waxaa ka mid ah howlo la sheegay in dowladda imaraadka ay ka waddo gudaha Yemen.
Sido kale waxaa looga hadlayay heshiiska nukliyeerka iiraan iyo dhaleeceeyn loo jeedinayo wadamada Qatar, Turkey iyo Iran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here