Shirkadda Infotrak oo soo saartay warbixin ku saabsan waxqabadka barasaabyada

Shirkadda darasaadka ee Infotrak ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in barasaabyada ismaamullada Kakamega , Kwale iyo Makueni ee kala ah Wycliffe Oparanya ,Salim Mvurya iyo Prof.Kivutha Kibwana ay ugu wax qabad wanaagsan yihiin guddoomiyaasha dowlad deegaanada dalka.
23 ka mid ah barasaabyada ismaamullada dalka ee markii labaad xilalkan haya ayaa helay buundada boqolkiiba 56 marka loo barbardhigo 24 markii ugu horreeyay jagooyinkan qabtay.
Waxqabadka barasaabyada ayaa lagu saleeyay guulaha ay ka gaareen mashaariicda dhanka waddooyinka, biyaha , ganacsiga , dhulalka iyo guriyeynta.
Mr Oparanya oo ah guddoomiyaha Kakamega ayaa helay buundo dhan boqolkiiba 82.3 , dhigiisa Kwale Salim Mvurya (77.1 ) halka Prof. Kivutha Kibwana uu helay (74.4 boqolkiiba).
Dhanka Waqooyi bari guddoomiyaasha ismaamullada Garissa, Wajeer iyo Mandera ee kala ah Cali Bunow Qorane , Maxamad Cabdi Maxamuud iyo Cali Ibraahim Roba waxay liiskan ka galeen nambarrada 38-aad , 46-aad iyo 43-aad.
Liiska waxqabadka barasaabyada ismaamullada dalka ee ay soo saartay shirkadda Infotrak waxaa ugu hooseeya guddoomiyaha Tana River Dhadho Godhana oo helay buundo dhan boqolkiiba 39.5

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here