Shirkadda qaran ee duulimaadyada oo hakisay safarrada magaalo ka tirsan Shiinaha

Shirkadda qaran ee duulimaadyada ee Kenya Airways ayaa ugu dambeyn hakisay safarrada diyaaradaheeda ay ku tagayeen magaalo ka tirsan wadanka Shiinaha ee uu saameeyay caabuqa dunida ku sii fidaya ee CoronaVirus.
Bayaan ay shirkaddu dhawaan soo saartay ayay ku sheegtay in wax safar ah aynan ku aadi doonin ama uga soo tagayn magaalada Guangzhou oo ka tirsan gobolka Guangdong ee Shiinaha.
Qoraalka shirkadda KQ ama Kenya Aiways waxaa qeyb ka ah in safarradan si ku meel gaar ah loo hakiyay laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 31-da bisha jannaayo.
Hasa ahaate waxaa sii jiri doono safaradii isku xirayay magaalooyinka Nairobi ee Bangkok.
Sido kale waxay shirkaddu sheegtay in wada tashiga kala dhexeya wasaaradaha caafimaadka iyo arrimaha dibadda inuu sii soconayo.
Dadweynaha gaar ahaan macaamiisha Kenya Airways ayaa lagu wargeliyay in waxyaabaha soo kordho lala socod siin doono.
Waaxda shirkadda u qaabilsan dhanka isgaarsiinta oo bayaankan soo saartay ayaa macaamiisha ka raaligelisay haddii tallaabadan ay si un u saameysay.
Kenya Airways ayaa sheegtay inay mudnaanta ugu sarreysa siinaysa badqabka shaqaalaheeda iyo rakaabka diyaaradaheeda ku safro.
Dhawaan ayay ahayd markii baaq arrinkan ku aaddan uu ka soo yeeray safiiradda Kenya halkaas ku matasho , Sarah Serem.
Mrs. Serem ayaa dhawana shirkadda Kenya Airways ugu baaqday inay hakiso duulimaadyada ay wadankaas ku tagto.
Waxay hoosta ka xarriiqday in loo baahan yahay in KQ aynan wax safar ah Shiinaha ku tagin ilaa iyo inta laga xakameynaya cudur sidaha saameynta yeeshay.
Sido kale waxay carrabka ku dhufatay inaynan wax micno ah lahayn in la soo daadgureeyo muwaadiniinta Kenyaanka ee Shiinaha ku nool kaddibna la keeno dalka maadaama halis weyn ay horseedi karto.
Safiiradda ayaa ku nuuxnuuxsatay in dowladda Kenya ay si dhow ula socon doonto xaaladda muwaadiniinteeda ku sugan Shiinaha gaar ahaan magaalada Wuhan.
Hadalka Sarah Serem ayaa ku soo aaday kaddib markii arday wadanka u dhashay oo ka soo laabtay Shiinaha lagu karantiilay isbitaalka qaran ee Kenyatta.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa dhankeeda xustay inuunan jirin walaac hadda la doonayo in la muujiyo.
Sido kale waxay wasaaradda caafimaadka hadda sheegaysa in baaritaanada la sameeyay kaddina loo diray dalka Koonfur Afrika si xaqiijin dheeraad ah loogu soo sameeyo aynan wax wax natiijo oo caabuqa la xiriira ka soo bixin.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa dhankeeda Kenyaanka uga digtay in safarro ama socdaal aan aad muhiim u ahayn ay ku tagaan magaalada Wuhan ee gobolka Hubei ee Shiinaha.
Sido kale shirkadda duulimaadyada ee British Airways ayaa arbacadii hakisay codsiyada la xiriira safarrada.
Barteeda rasmiga ayaa lagu shaaciyay in ilaa bisha saddexaad ee sannadkan aynan jiri doonin duulimaadyada tooska ee u kala goosha magaalooyinka London iyo Beijing.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here