Shirkadda Safaricom oo cayaaraha gobolka xeebta ku maalgelisay 3 milyan

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa shaaca ka qaadday inay dhaqaale gaaray 3 milyan oo shilin ku maalgelinayso cayaaraha orotanka ee dhawaan lagu qaban doono gobolka xeebta ee dalka.
Maalgelintan ayaa qeyb ka ah barnaamijyada shirkaddu ay ku garab istaagto dhalinyarada uu Alle heybad u siiyay cayaaraha noocyadooda kala duwan ee loo yaqaano Safaricom Athletics Series banner.
5-ta bisha Oktoobar ee sannadkan ayuu qorshuhu yahay in garoonka Ngerenyi Stadium ee ismaamulka Taita Taveta lagu qabto wareegga 14-aad ee tartanka cayaaraha ee Madoka Half Marathon.
Maareynta tartankan ayay Safaricom ugu deeqday 2 milyan oo shiilin iyadoo hal milyan oo kale loo qoondeeyay orotanka 10-ka kiilomitir ee Mombasa ka dhacaya 22-ka bishan sagalaad.
Madaxa fulinta ee shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom Michael Joseph ayaa sheegay in maalgelin dhanka cayaaraha ah oo ay sanado soo wadeen ay horseedday inay soo baxaan cayaartooy ay ka mid yihiin Daniel Muindi, Panuel Mkungo iyo Rozina Musembi.
In ka badan 1,000 orodyahaano ah ayaa labada tartan ka qeyb galaya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here