Shirkadda Safaricom oo xariga ka jartay wajiga saddexaad ee barnaamij lagu xoojinayo waxbarashada

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom qeybteeda u qaabilsan fulinta barnaamijyada bulsho ee Safaricom Foundation oo kaashanaysa hay’adda horumarinta naafada ee CBM Kenya ayaa si wadajir ah xariga uga jaray wajiga saddexaad ee barnaamij ku aaddan tacliinta.
Barnaamijlkan aya aloogu magacdaray ‘Wezesha Elimu’ porgramme.
Labadan hay’adood ayaa doonaya in lala tacaalo waxyaabaha caqabadda ku ah carruurta naafada ee aan fursad buuxda u helin waxbarashada.
Sannadkii 2016-kii ayay ahayd markii shirkadda Safaricom ay daahfurtay wajiga koobaad ee qorshahan sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha Safaricom Foundation Joseph Ogutu.
Tan iyo xilligaasi waxaa loo faaiidaayay in ka badan 15,000 oo carruur ah.
Waxaa sido kale tababaro la siiyay 28 ka mid ah howlwadeenada ka shaqeeya daryeelka caafimaad ee bulshada.
Hay’adda Safaricom Foundation ayaa lacag dhan 15 million milyan oo shilin ku qarash gelinaysa wajiga saddexaad ee barnaamijkan.
Waxaa lagu bartilmaameedsanaya in ka badan 20,000 oo qof guud ahaan dalka oo ay ka mid yihiin carruur iyo dad uunan lixaad u dhameystirneen.
Guddoomiyaha hay’adda horumarinta naafada ee CBM Kenya Joseph Okelo ayaa dhankiisa sheegay in iskaashiga ka dhexeya Safaricom uu miro dhal yahay oo faaiidooyinka laga dhaxlay ay ka mid tahay wacyi gelin ballaaran oo la sameeyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in bulshada gaar ahana waalidiinta ay hadda si buuxda u fahansanyihiin muhiimadda
Wajiyaddii koobaad iyo labaad ee barnaamijka Wezesha Elimu’ waxay Safaricom Foundation ku bixisay in ka badan 25 milyan oo shilin.
Waxaa sido kale la sameeyay 420 oo qalliina ah halka 535 carruur naafo ah ay dugsiyada ku biireen.
Sido kale shirkadda ayaa bixisay qalabka ay adeegsadaan naafada oo gaaraya 384 .
347 carruur ah ayaa dhaqancelis loo sameeyay halka 879 kalena loo fududeeyay inay helaan daryeel caafimaad oo khaas ah.
Tirakoob la sameeyay sannadkii 2017-kii ayaa lagu sheegay in gudaha dalka carruurta naafada ee baahiyaha gaarka ah qabo oo ay da’doodu u dhexeysa 3 ilaa 21 sano ay isku celcelis ahaan yihiin boqolkiiba 11.4.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here