Shirkadda tubaakada ee BAT oo shaqa dhimis sameynaysa

Shirkadda soo saarto tubaakada ee BAT ayaa sheegtay inay bisha Jannaayo ee sannadka soo socdo shaqada ka tiri doonto 2,300 oo howlwadeena ah.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dib u habeynta howlaha shirkadda.
Madaxa fulinta ee shirkadda , Jack Bowles ayaa bayaan uu warbaahinta la wadaagay ku sheegay in qorshahan uu saameyn ku yeelan doono in ka badan boqolkiiba 20 ee xilalka sar sare.
Ujeedada laga leeyahay waxaa ka mid ah in meesha laga saaro xilalka u muuqdo kuwo aan kala caddeyn marka la eego waajibaadka shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here