Shirkado dhowr ah oo hakiyay duulimaadyada Shiinaha

Waxaa sii badanaya tirada shirkadaha diyaaradaha ee hakinaya safarradii ay ku tagayeen dalka Shiinaha kaddib saameyn ba’an oo ka dhalatay caabuqa Corona.
Shirkadda ay leedahay dowladda Tanzania ee AIR TANZANIA ayaa sheegtay inay hakinayso duulimaadyadeeda .
Waxaa tallaabadan mid la mid ah qaadaysa shirkadda EGYPT AIR ee Masar .
Shirkadda KENYA AIRWAYS ee laga leeyahay Kenya ayaa maanta hakisay duulimaadyadii magaalada Guangzhou.
Shirkadda RWANDAIR ayaa bayaan ay soo saartay saaka ku sheegtay inayan aadi doonin ama ka soo ambabixi doonin magaalada Guangzhou ilaa iyo go’aan dambe.
Waxaa tallaabooyinkan kuwo la mid ah qaaday shirkadaha duulimaadyada ee Air Canada, Air France, Air India, Air Seoul, American Airlines, British Airways, Lufthansa, Cathay Pacific Airways, Delta Airlines, Finnair, Lion Air, SAS, Turkish Airlines, United Airlines, Virgin Atlantic iyo United Parcel Service Inc.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here