Shirkii Amniga Qaranka Soomaaliya oo dib u dhacay

Axad Maanta ah Taariikhduna ku beegan tahay 5/7/2020 ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/alaahi Farmaajo waxaa uu shir ku casuumay inay isugu yimaadaan Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, hayeeshee shirkaasi ayaa dib u dhacay,kadib markii ka qeyb-galka shirka ay diideen laba kamid ah Maamulada dalka Soomaaliya
Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo si mideysan u mucaaradsan Madaxda Dowladda Federaalka ayaa waxaay sheegeen inaysan ka qeyb-galeyn shirka ,kadib kulamo ay si gooni gooni ah u yeesheen Baarlamaanka labadaasi Maamul.
Labada Maamul ayaa waxaay tabasho ka muujiyeen Madaxda Dowladda gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo oo ay sheegeen in uusan fulin balantii uu kula galay shirkii dhanka Internet-ka ahaa ee ay la yeesheen taasoo ku saabsaneyd in la joojiyo Xeerarka doorashada oo ay Baarlamaanka Soomaaliya ansixiyeen.
Shirka ayaa mudeysnaa inuu furmo 5-ta Bisha oo Maanta ku beegsan,isla markaana uu socdo ilaa 8-da isla bisha, hayeeshee wali Majiraan sida ay wararku sheegayaan Maamul Goboleed ay madaxdiisu gaareen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya si ay shiraasi kaga qeyb-galaan maadaama madashu halkaas ka furmayso.
Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweynaha Soomaaliya shirar ku casuumay Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, balse shirarkaasi ay diideen ka qeyb-galkiisa qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya.
Madaxtooyada Soomaaliya weli wax war ah kama soo saarin dib u dhaca ku yimid shirkii uu iclaamiyay Madaxweyne Farmaajo iyo qorshaha xiga oo ay qaadeyso Dowladda dhexe ee Soomaaliya maadaama shirkaasi looga hadli lahaa arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin Amniga iyo doorashooyinka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here