Shirkii hogaamiyeyaasha Maamulada Soomaaliya oo dib u dhacay.

Maanta oo Jimco ah Taariikhduna ku beegan tahay 10 bisha todobaad ee Julya ayaa qorsuhu wuxuu ahaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug uu shir gaar ah uga furmo Madaxda Shanta Maamul Goboleed ee dalka Soomaaliya kajira,kaasoo uu marti gelinayo Maamulka Galmudug,hayeeshee waxaay wararka ka imaanaya Magaalada dhuusamareeb ay sheegayaan inuu shirkaasi dib u dhacay.
Wararka ay warbaahinta gudaha Soomaaliya daabacday ayaa waxaay sheegayaan in sababata uu shirku dib ugu dhacay ay tahay in Madaxda ay isla garteen in Maanta oo Jimce ah ay nastaan,isla markaana Maalinta bari oo sabti ah uu u furmo shirkooda.
Go’aanka Shirka Magaalada dhuusamareeb ilaa Beri dib loogu dhigay ayaa la qaatay kadib markii xalay kulamo gaar gaar ah ay dhexmareen Madaxda Maamul Goboleedyada dalka Soomaaliy ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.
Ka sokow dib u dhigida shirkii gaarka ahaa ee Madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa waxaa jira kulama gooni gooni ah oo ay yeelanayaan Madaxda iyo Xubnaha kale ee la socda kuna sugan Magaalada Dhusamareeb kaasoo ku saabsan waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay shirkooda diirada ku saarayaan kadib marka uu bari sabtida furmo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here