Shirkii Madaxda Soomaalida uu dib u dhacay

Maanta oo Khamiis ah taariikhduna ay ku beegan tahay 10/9/2020 ayaa qorsuhu wuxuu ahaa in xarunta Villa Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho uu shir uga furmo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo & Madaxda Maamul Goboleedyada, hayeeshee wararka ayaa Tilmaamaya in shirkaasi uu dib u dhacay.
Warar soo baxaya ayaa waxaay sheegayaan in sababaha ugu weyn ee keenay dib u dhaca shirka ay tahay in xal laga gaaro khilaaf weli ka dhex-jira Maamul goboleedyada qaarkood sida Puntland & Jubbaland iyo Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxaa xalay sidoo kale baaqatay munaasabad casho ah oo loogu talo galay Madaxda Maamul Goboleedyada,waxaana wararku intaa ku darayaan in Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam uu sheegay inuu doonayo in la bilaabo tallaabooyinkii koowaad ee xal ka gaarista arrinta Gobolka Gedo.
Madaxweynayaasha Maamulada, Galmudug, Hir-Shabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa shalay shir ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyaga oo sheegay in aysan wax shuruud ah ku xireyn shirka uu ku casuumay Madaxweyne farmaajo, hayeeshee weli ay taagan yihiin caqado uu shirka la furmi la’yahay.
Wararka ugu dambeeya ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maalinta sabtida ah ee soo socota inay maqcquul tahay in uu furmo shirka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo & Madaxda dowladda, kaas oo looga hadli doono arrimaha doorashada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here