Shirweynaha Badqabka Fikirka Iyo La Dagaallanka Xagjirnimada Oo Berri Ka Furmi Doona Muqdisho.

90

Waxaa Maalinta Berri Oo Isniin Ah Lagu Wadaa Inuu Caasimada Magaalada  Muqdisho Ka Furmo Shirweynaha Badqadbka Fikirka Iyo La Dagaalanka Xagjirnimada Oo Ay Soo Qaban Qaabisay Xukuumadda Federaalka Ah Ee Soomaaliya.

Shirweynahan Ayaa Waxaa Maalgelinaya Ururka Iskaashiga Islaamka (Oic), Waxaa Ka Qeyb Galaya 12 Wakiillo Dowladeed Oo Xubno Ka Ah Ururka, 30 Caalim Oo Ka Socda Wadamada Islaamka Iyo 12 Ka Mid Ah Culimada Diinta Iyo Aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Shirkan Ayaa La Qorsheeyay Inuu Ka Dhaco Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, Waxaana Socota Qaban Qaabadii U Dambeeyay, Iyadoo Wafuuda Ka Qeyb Galeysa Ay Badankood Maalinta Berri Imaan Doonaan.

Qaar Ka Mid Ah Wakiillada Dowladeed, Xeel-Dheerayaasha Iyo Khubarada Arrimahan Ayaa Hadal Ka Jeedin Doona Shirka Oo Soconaya Labada Maalmood (29-30 April) , Iyaga Oo Diiradda Ku Saari Doona Qaabka, Ujeeddooyinka Iyo Farriimaha Ku Qotoma Badqabka Fikirka Iyo La Dagaallanka Xagjirnimada.

Shirkan Ayaa Noqonaya Kii U Horeeyay Noociisa Oo Ay Ka Qeyb Galaan Culimo Ka Socda Dalalka Islaamka, Iyadoo Soomaaliya Ka Mid Tahay Dalalka Uu Dhibaatada Ku Haya Fikirka Xagjirnimada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here