Shubanka oo lagu daray astaamaha covid-19

wasaaradda caafimaadka

Saraakiisha caafimaadka dadweynaha ayaa hadda shubanka ku daray calaamadaha lagu garan karo in qofka uu saameeyay cudurka COVID-19.
Astaamaha cudurka ee horay loo shaaciyay waxaa ka mid ahaa qandho daran, qofka oo ay neefsashada dhibto , madax xanuun iyo qufac qallalan.
Xoghayaha sare ee wasaaradda caafimaadka u qaabilsan dhanka maamulka Dr. Rashid Aman ayaa sheegay in shubanka oo ay dad badan ka sheeganayaan laga diiwaangeliyay qeybo ka mid ah wadanka..
Dowladda ayaa ilaa iyo hadda baartay dheecaan gaaraya 76, 962 wuxuuna cudurka gudaha dalka ku haleelay dad dhan 1,888 qof.
Xaaladaha fayraska corona ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay 33 ka mid ah 47-da ismaamul ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here