Shuruucda cusub ee waaxda NHIF oo la hakinaya

Guddiga waaxda qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF ayaa maalmo ka hor soo saaray isbeddelo uu sheegay inay dhaqangalayaan bishan 1-aad balse taasi ayaa hadda u muuqata inaan lagu tallaaba qaadi doonin.
Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa wasaaradda caafimaadka ku amray inay joojiso dhaqangelinta xeerarka wax laga beddelay ee la xiriira caymiska caafimaad ee ay dowladdu bixiso.
Mr. Kenyatta ayaa amarka uu bixiyay ku saleeyay wada tashi dheeraad ah oo la sameynayo.
Go’aanka uu madaxweynaha qaatay ayaa yimid kaddib cabasho ka soo yeertay shacabka iyo walaac ay muujiyeen mas’uuliyiinta dalladda ururrada shaqaalaha ee COTU.
COTU ayaa waaxda qaran ee caymiska caafimaadka ee NHIF ka dalbatay inay ka laabato dhaqangelinta isbeddelada dhanka xeerarka ah
Ku xigeenka xoghayaha guud ee COTU , Benson Okwaro ayaa sheegay in guddiga NHIF uu ku dhaqaaqay arrin uu ku doodayo inaan si buuxda looga wada tashan oo jahwareer keeni karto.
Waxaa uu guddiga iyo maamulka waaxda NHIF ka dalbatay inay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo qabanqaabiyaan kulan ay ka qeyb galayaan daneeyayaasha arrintan.
Mr. Okwaro ayaa carrabka ku adkeeyay inaan marnaba loo baahneyn in la sameeyo tallaabo caqabad ku ah fududeynta helidda ama bixinta adeegyada caafimaadka.
Isbeddelada waxaa ka mid ah in la dhimay tirade carruurta ee lagu daaweyn karo kaarka KNIF.
Waalidka oo horay ay u suurtagali jirtay inuu kaarka NHIF ku daaweeyo ilaa 10 carruur ah ayaa waxaa hadda tiradaas lagu soo koobay 5 keliya.
Sido kale adeegga caymiska ee caafimaadka ayaa kaafinaya oo keliya hal qoys tani oo dadka qaar ay dareemayaan inay caqabad ku tahay ragga xaasaska badan .
Go’aankan ayaa laga soo saaray kulan gaar ah oo xubnaha guddiga waaxda NHIF ay yeesheen 17-kii bishii 12-aad ee sannadkii hore.
Wareegto ka soo baxday xarunta dhexe ee NHIF ee magaaladatani Nairobi ayaa sido kale lagu xusay in qofkii iska diiwaangeliyay caymiska qaran ee dowladda ee aan muddo 12 bilood oo xiriir ah aan bixin lacagaha laga doonayo in diiwaanka laga saaro.
Waxay tani micnaheedu tahay in qofkaas uu lacagaha mar kale dib u bixinayo balse uu adeegga caymiska ka faaiidaysan karo oo keliya kaddib saddex bilood.
Dhammaan maamulayaasha kala duwan ee NHIF u qaabilsan ismaamullada dalka ayaa lagu amray inay isbeddeladan cusub si buuxda u dhaqangaliyaan.
Waxaa dareenka COTU mid la mid ah horay u jeediyay madax uu ka mid yahay senetarka ismaamulka Makueni Mutula Kilonzo Junior oo sheegay inay khalad tahay in waaxda NHIF ay xaddido arrin dastuur iyo diin aynan labaduba xaddidin oo uu ula jeedo tirada carruurta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here