Sideed boqol oo kun oo gabdho arday ah oo ka faa’idaysanaya adeeg ay bixinayso shirkadda isgaarsiinta Safaricom

In ka badan sideed boqol oo kun gabdhood oo arday ah ayaa sannadkan u fariisanaya imtixaanada fasalka sideedaad ee dugsiyada hoose dhexe ee KCPE –da iyo fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE-da oo ay ku jiraan ardayda wax ka barata dugsiyada ku yalla xeryasha qaxootiga Kakuma iyo Dadaab.
Gabdhaha Ardayda ah ee wax ka barataa xeryaasha qaxootiga kaakuma iyo Dadaab ayaa ka faaideysan doona adeega Gaar ah ay shirkada isgaarsiinta safaricom siinayso .
Adeegaasi ayaa ka mid ah agabka loo isticmaalo nadiifinta caadada.
Adeega mpesa ayaa la kaashanaysa deeqdani wasaarada waxbrashada ee dalka iyadoona adeegani uu kubaxayo 281 milyan ee shilinka dalka ah.
Deeqdani ayaa bilaawan doonta ka hor inta uusan bilawanin imtixaanada qaran ee dalka
Guddomiya adeega Mpesa Michael Joseph ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay inaan si joogta ah uu aragno gabdho yar oo qeybo ka mid ah dalka ku seexanayo joodiraayaal dhamaaday iyo marooyin duugoobay iyagoona sidoo kale haysan waxyaabaha ay dumarka isaga nadiifiyaan dhiiga caadada .
Warbixin 2016-kii ay soo saartay shirkada FSG, oo ah shirkad wadatashi caalami ah, ayaa muujisay in kaliya 65% dumarka iyo gabdhaha ku nool Kenya ay awoodi karaan in ay gataan faya dhowrka nadaafada . Intaa waxaa sii dheer, waxaa lagu qiyaasaa in gabdhaha ka soo jeeda qoysaska danyarta ah ay seegaan fasalada ugu yaraan boqolkiba 20% maalmaha iskuulka sanad gudaheed taas oo ay ugu wacantahay in aysan iibsan Karin shukumaanada
Sannadkii 2010-kii , dawladdu waxay soo bandhigtay Barnaamijka Qaranka ee Fayadhowrka Nadaafadda oo bilaash ah ee si loogu siiyo gabdhaha agabka nadaafadda ah, oona loo tababaro adeegsiga nadaafadda oo ay kormeeraan oo ayna qiimeeyaan
Barnaamijka ayaa loogu talagay inay gabdhaha isku mid noqdaan .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here