Sii hayaha ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo Kulmay

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo toddobaadkan Safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho.
Labada masuul ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya iyo sidii dowladda Federaalka ay uga qayb qaadan lahayd Horumarinta deegaanada Maamulka Galmudug.
Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii ay wadashaqayn xoggan u dhexmari lahayd Wasaaradaha Xukuumadda Federaalka iyo Wasaaradaha Maamulka Galmudug.
Siihayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa dhankiisa Madaxda Maamulka Galmudug ku amaanay shaqadii wanagsanayd ee ay qabteen mudadi koobnayd ee ay xilka hayeen, isagoo tilmaamay inay garab u noqon doono horumarada ka socda deegaanada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here