Sii hayaha xilka ra’isul wasaaraha Soomaaliya oo hay’adaha Amniga faray baaritaanka weerarkii liido

Mahdi Maxamed Guuleed, Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya laamaha kala duwan ee amniga dalkaasi.
Kulanka oo looga hadlay adkeynta amniga dalka, ayaa Mahdi Guuleed waxuu laamaha amniga uga dhageystay warbixin la xariirka weerarkii shalay Muqdisho ka dhacay ee lagu qaaday Hotelka Elite.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa laamaha amniga faray inay baaritaan saxan oo dhammeystiran ku sameeyaan dhacdadii shalay, waxuuna sidoo kale ku adkeeyay in ay laba jibaaraan dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka si ummadda Soomaaliyeed ay u helaan amni la isku halleyn karo.
Dowladda Soomaaliya oo markasta ku cel celisa inay ku dadaalayaan sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen amni iyo xasilooni waarta ayaa hadana waxaa ka dhaca weeraro lagu qaado xarumo dowladood oo amnigooda siwyen loo ilaaliyo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here