Siyaasigii ruug cadaaga ahaa Kimani Wa Nyoike oo geeriyooday

Waxaa geeriyooday siyaasi rug cadaa ah horayna u soo noqday xilidhibaanka deegaanka koonfurta Kinangop ee ismaamulka Nyandarua Kimani Wa Nyoike.
Waxaa uu ku dhintay isbitaalka Nairobi saaka sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa xili uu la il darnaa xanuun muddo dheer.
Mr Kimani Wa Nyoike ayay da’diisu ahayd 85 sano jir in kastoo ilaa iyo hadda aan la shaacin xanuunka laga daaweynayay ee uu u dhintay.
Waxaa uu sannadkii 1997 uu tartamay kursiga madaxweynenimo isaga oo adeegsanayay xisbiga Ford People balse looga adkaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here