Siyaasiyiinta Jubilee oo u hambalyeeyay xildhibaanka cusub ee Kibra

‏Qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga talada haya ee Jubilee oo uu ka mid yahay ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa farriimo hambalyo ah u diray Bernard Okoth oo loo doortay xildhibaanka deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi.
Ku xigeenka hoggaamiyaha dalka William Ruto ayaa sido kale boogaadiyay musharaxii Jubilee McDonald Mariga iyo taagerayaashiisa.
Waxaa uu xusay inay loolan adag galeen oo ay geesinimo muujiyeen.
Mr. Okoth ayaa waxaa sido kale u hambalyeeyay senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen iyo barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here