Siyaasiyiinta mucaraadka oo ku adkaysanaya in dastuurka afti loo qaadayo

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka tirsan xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa sheegaya inay khasab tahay in dalka ay ka dhacdo afti loo qaadayo dastuurka wadanka u degsan.
Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Suba Mr. John Mbadi ayaa carrabka ku dhuftay in mudanayaasha baarlamaanka ay sanado ka hor ansaxiyeen dastuurka iyagoo og in boqolkiiba 20 ka mid ah waxyaabaha ku qoran la doonayo in la beddelo.
Waxaa uu intaasi ku daray in xilligaasi baarlamaanka uu go’aansaday in qaanuunka uu dhaqangalo si dib isbeddel loogu sameeyo taasina xilligeeda hadda la joogo.
Siyaasiyiinta kale ee ODM sida Otiende Amollo iyo Opiyo Wandayi ayaa Mbadi ku taageeray inay lagama maarmaan tahay in wax laga beddelo dastuurkii wadanka ka dhaqangalay sannadkii 2010-kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here