Siyaasiyiinta Nairobi oo baaq u diray Sonko

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee laga soo doortay deegaanada ismaamulka Nairobi oo uu hor kacayo seneta Johnson Sakaja ayaa shir jaraaid oo ay qabteen waxay eedeymo dhowr ah u jeediyeen barasaabka caasimadda dalka Mike Sonko.
Maamulka uu Sonko hogggaamiyo ayay ku dhaliilayaan inuunan wax muuqdo u qaban shacabka.
Waxay madaxdan hoosta ka xarriiqeen in sida ay hadalka u dhigeen Sonko uunan daacad ka ahayn la dagaalanka musuqmaasuqa.
Johnson Sakaja ayaa soo bandhigay su’aalo dhowr oo dhanka mashaariicda oo la doonayo in Mike Sonko uu faahfaahin ka bixiyo.
Waxaa ka mid ah dhanka waddooyinka, caafimaadka iyo aruurinta canshuuraha.
Xildhibaanka deegaanka Waqooyi Dagoreti, Simbar Arati ayaa dhankiisa xusay inay khasab tahay in caasimadda dalka laga dareemo isbeddelo muuqdo oo dhinaca horumarka ah.
Waxaa uu sheegay in mashaariic deegaankiisa laga billaabay xilligii barasaabkii hore ee Nairobi Evans Kidero ilaa iyo hadda aan la dhameystirin .
Mr. Arati ayaa sido kale wakiilada golaha hoose ee Nairobi ugu baaqay inay waajibaadka saaran gutaan oo ay la xisaabtamaan maamulka uu Mike Sonko hoggaamiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here