Siyaasiyiinta Nyanza oo sheegay inay garab istaagayaan madaxweynaha dalka

Xildhibaanda baarlamaanka ee laga soo doortay gobolka Nyanza oo uu hoggaaminayo John Mbadi ayaa waxay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u xaqiijiyeen inay si buuxda uga taageeri doonaan aqalka baarlaamanka
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Mr. John Mbadi ayaa caddeeyay inay madaxweynaha ay si buuxda uga taageeri doonaan dhanka shuruucda iyo qorshayaashiisa horumarineed si ay uga faa’iideystaan shacabka Kenyaanka.
Mr badi ayaa xusay in siyaasiinta ka tirsan xisbiga talada haya ee Jubilee ama ka soo jeeda qowmiyadda madaxweynaha haddii aysan taageerin qorshasha madaxweynaha ay ayaga garab u yihiin hoggamiyaha dalka.
Waxaa uu dhanka kale meesha ka saaray kuwa sheegaya in warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI ay tahay mid sharci darro ah.
Dhanka kale senetarka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa ku xigeenka madaxweyne dalka William Ruto ku canaantay inuu bilaabay ololihiisa doorasho xilli hore.
Mr. Orengo wuxuu ku eedeeyay Ruto inuu yahay qaran dumis, isagoo xusay inaysan jirin waddo uu isaga ugu wareegi karo dalka oo dhan si uu uga dhex muuqdo ololihiisa madaxweynenimo xilli madaxweynaha u wali xafiiska jooga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here