Siyaasiyiinta oo looga digay inay sameeyaan kicin dadweyne

Isuduwaha amaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta jeedinaya hadalada naceybka iyo kala qeybsanaanta ku saleysan ee keeni karo kicin dadweyne.
Mr Natembeya ayaa sheegay in madaxda anshax xumada ku kaco ee shacabka isku diro looga hor istaagi doona inay isku soo sharaxaan xilalka hoggaanka marka doorashada guud ay dhacayso.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in kuwa lagu helo dambi ah kicin dadweyne tallaabo sharci laga qaadi doona.
Waxaa uu intaa ku daray in hoggaamiyeyaasha sameeya hadallada u horseedaya kala qeybsanaanta iyo cadaawadda in la xiri doono ka hor inta aaysan ololahooda doorasho bilaawin.
Waxaa uu ugu dambeyntii ugu baaqay siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta in isu soo baxyo walbo ay qabanayaan ay noqdaan kuwa nabad ah wuxuuna dhanka kale dhalinyarada uga digay inaan si khaldan loo adeegsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here