Siyaasiyiinta Rift Valley oo ka soo horjeestay qorshaha dowladda ee keynta Mau

Siyaasiyiinta gobolka Rift Valley ayaa si adag uga soo horjeestay qorshaha dowladda ee ku aaddan in keynta Mau ee ismaamulka Narok laga raro qoysas halkaasi si sharci darro ah ku degay.
Waxay sheegeen inaynan marnaba suurtagal ahayn in laamaha ammaanka ay guda galaan waxa ay ugu yeereen barakicin dadweyne.
Xildhibaanka deegaanka Belgut, Nelson Koech ayaa carrabka ku adkeeyay in dadka halkaasi deggan aynan meelna u socon.

Guddiga arrimaha deegaanka ee baarlamaanka dalka ayaa u yeeray wasiirka deegaanka , Keriako Tobiko si wax looga weydiiyo qorsho dowladeed oo muran dhaliyay.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda ay sheegtay inay billaabayso wajiga labaad ee howlgalada keynta Mau ee ismaamulka Narok looga saarayo in ka badan 60,000 qof oo halkaasi deggan.
Guddoomiyaha guddiga arrimaha deegaanka ee golaha sharci dejinta Kareke Mbiuki ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in howlgalada qorsheysan aan si buuxda looga wada tashan.
Wasiirka ayaa sido kale looga fadhiyaa inuu faahfaahin ka bixiyo guulaha ilaa iyo hadda laga gaaray wajigii koobaad ee badbaadinta keynta Mau.
Waxyaabaha mas’uulkan wax laga weydiin doono waxaa ka mid ah saameynta laga cabsi qabo in tallaabada dowladda ay ku yeelato in ka badan 4,000 oo arday ah maadaama dugsiyada dib loo furayo.
Wasiirka wasaaradda arrimaha deegaanka Keriako Tobiko ayaa dhankiisa sheegay in qorshaha dowladda dhexe aynan qeyb ka ahayn in lacago magdhow ah la siiyo dadka deggan keyntaasi.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in dadkaasi ay si sharci darro ah ku dageen sidaasi awgeed mar dhow halkaasi laga rari doono.
Tobiko ayaa digniin adag u diray siyaasiyiin uu sheegay inay shacabka kicinayaan .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii dowladda ay dadka ku nool keynta Mau ay u qabatay muddo 60 maalmood ah .
Waxaa laga doonaya inay si iskood ah halkaasi u banneeyaan haddii kale la barakicinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here