Siyaasiyiinta Waqooyi bari oo ka mahadceliyay in Ducaale aan laga qaadin xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda

Hoggaamiyaasha siyaasadeed ee ismaamullada gobolka waqooyi bari ayaa maanta shir jaraaid oo ay qabteen waxay xisbiga talada haya ee Jubilee kaga mahadceliyeen inuunan xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ka qaadin xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale.
Madaxdan oo uu hor kacaya senetarka ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ahna hoggaamiyaha Jubilee u sheegay inay fududeysan kalsoonida uu Ducaale u muujiyay.
Waxay sheegeen inay madaxweynaha iyo maamulkiisa u ballanqaadayaan inay si dhow ula shaqeyn doonaan.

Dhawaan ayay ahayd markii kulan xubnaha Jubilee ay ku yeesheen madaxtooyada dalka ee State House lagu xaqiijiyay in mudanaha Garissa Township uu sii ahaanaya hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka iyadoo dhanka kale la sameeyay isbeddelo xilalkii hoggaanka ee golaha sharci dejinta iyo aqalka sare looga xayuubiyay qaar ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here