Siyaasiyiinta waqooyi bari oo ka soo horjeestay natiijadii tirakoobka

Siyaasiyiinta laga soo doortay ismaamulada gobolka waqooyi bari ee Garissa, Wajeer iyo Mandera oo isugu jiro xildhibaano, senetarro, wakiilada haweenka iyo barasaabyada ayaa shir jaraaid oo ay qabteen waxay kaga soo horjeesteen natiijadii isniintii lagu dhawaaqay ee ka soo baxday tirakoobkii sannadkan la sameeyay.
Waxay si cad u sheegeen in tirada la shaaciyay ee dadka ku nool gobolka aynan sax ahayn kana turjumeynin macluumaadka dhabta ah.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay inay dareensanyihiin in natiijada la soo bandhigay aynan ahayn midii la soo aruuriyay xilligii tirakoobka qaran.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in natiijada gobolka lagu saleeyay macluumaad horay loo aruuriyay ama siyaabo kale lagu helay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here