Slovakia oo laga xaqiijiyay kiisaskii ugu badnaa ee maalinla ah

Dowladda dalka Slovakia ayaa maanta shaacisay tiradii ugu badneyd ee xaaladaha coronavirus oo maalinla ah tan iyo bishii Afaraad ee sannadkan.
Kiisaskan cusub ayaa ah 53 sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka ee wadankaas.
Tirada guud ee xaaladaha fayraska ee Slovakia ayaa ah 1,851 waxaana caafimaaday 1,477 bukaan oo tiradan ka mid ah halka ay dhinteen 28.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa dhanka kale sheegtay in faafitaanka caabuqa corona si weyn loo xakameeyay.
Gobolka Victoria ee dalka Australia waxaa si rasmi ah uga dhaqangashay xayiraad shaqeyn doonto muddo 6 isbuuc ah oo lagu xakameynaya faafitaanka cudurka.
Ku dhawaad 5 milyan oo qof oo ku nool magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Melbourne ayaa lagu amray inay guriyaha joogaan.
Hay’adda gargaarka ee Oxfam waxay leedahay waxaa suurtagal ah in ilaa 122 milyan oo qof ay sannadkan gaajo soo wajahdo oo ay maalin kasta 12,000 qof u dhiman karaan baahida ka dhalatay saameynta dhaqaale iyo midda bulsho ee fayraska.
Caalamka oo dhan in ka badan 12 milyan oo qof ayuu haleelay cudurka COVID-19 waxaana u dhintay ugu yaraan 548,896.
Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins University oo si dhow ula socoto xaaladaha cudurka qiyaastii 6.5 milyan oo bukaan ayaa ka bogsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here