Slovenia oo laga xaqiijiyay 79 xaalado cusub oo coronavirus ah

Dalka Slovenia oo bishii Shanaad ee sannadkan sheegay in halkaas uu ka dhammaaday cudurka COVID19 ayaa maanta laga diiwaangeliyay tiradii ugu badneyd ee kiisaska fayraska corona tan iyo bishii saddexaad.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay inay xaqiijisay 79 oo kiisas cusub ah.
Tani ayaa tirada guud ee xaaladaha coronavirus ee Slovenia ka dhigtay 3,312.
Dhimashada ka dhalatay cudurka COVID19 ee gudaha wadankaas laga xaqiijiyay ayaa ah 135 .

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here