Somaliland iyo Twain oo wakiilo is dhaafsaday

Wasiirka arrimaha dibadda ee Twain Joseph Wu ayaa sheegay in uu soo dhoweeyay wakiilka koowaad ee Somaliland u fadhiya Taiwan, Maxamed Cumar Hagi kaasoo dhawaan uu Magacaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan, Joanne Ou, ayaa sheegay in Somaliland ay xafiis cusub oo wakiil ah ka furi doonto Taipei bishan sideedaad ama Sebtember.
Wuxuu intaa ku daray in labada dhinac ay wali ka wada hadlayaan talaabooyinka xiga ee xiriirkooda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Taiwan ayaa sheegtay inay sidoo kale qorsheynayso inay xafiis ka furato Somaliland, islamarkaana wakiilkeeda cusub uu kusii jeedo magaalada Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here