Somaliland oo diiwan gelisay kiisas Cusub oo COVID-19 ah

Soomaaliland ayaa soo bandhigtay natiijada dad laga helay Cudurka COVID-19.
24-kii saac ee la soo dhaafaay ayaa waxaa la baaray 102 ruux,balse Cudurka ayaa laga helay 7 kamid ah dadkaas,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay oo isugu jira 6 Rag ah iyo hal Dumar ah ayaa waxaa ay ku kala sugan yihiin 4 Magaalada Hargeysa, hal 3 kale ay ku sugan yihiin Magaalada Boorama.
Majirin wax dhimasho ah oo uu sababay Cudurka COVID-19 deegaannada Soomaaliland 24-kii Saac ee la soo dhaafay,waxaana weli deegaannada Soomaaliland ka socda baarista Cudurka COVID-19.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 663 Ruux, 147 Qof ay ka bogsoodeen halka 28 Ruux ay u geeriyoodeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here