Somaliland oo faah-faahisay socdaalka Wasiirka maaliyadda Itoobiya uu ku tegay Hargeysa

Xukumadda Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadashay ujeedka ay Hargeysa u yimaadeen wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda dalkaas Axmed Shide.
Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo la hadlay BBC-da ayaa beeniyey in wafdigaas ay u socdeen qorshe la xiriira imaatinka madaxweyne Farmaajo ee Hargeysa.
Koore ayaa sheegay in wafdiga Axmed Shide aanay wax culays ah ku saarayn xukuumadda Somaliland sidii Farmaajo u iman lahaa magaalada Hargeysa, taasi oo horey ay u diiday Somaliland.
Waxa uu intaas ku daray in aanay jirin wax iska bedelay mawqifka Somaliland ee dhawaan madaxweyne Biixi ka sheegay baarlamaanka hortiisa.
Koore ayaa sheegay in ujeedka wafdigaas uu ahaa arrimo ganacsi, gaar ahaan dekedda Berbera oo Itoobiya ay saami kula leedahay shirkadda DP World iyo xukuumadda Somaliland, iyo jidka Berbera Corridor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here