Somaliland oo Fashilisay weeraro lala damacsanaa magaalada Hargeysa

Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska iyo kuwa sirdoonka Maamulka Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu daadiyay waddooyinka waaweyn ee Magaalooyinka Hargeysa, Burco iyo Boorama.
Ciidamada amniga ayaa baaritaano kala duwan ku sameeynaya gaadiidka isticlaamaya waddooyinka, iyagoona su’aalo dhowr ah weydiinaya dadka shacabka ah ee gaadiidka dadweynaha saaran, sidoo kalena xog-wareysi la yeelanaya dhalinyarada.
Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in Ciidanka Sirdoonka Maamulka Somaliland ay fashiliyeen weeraro lagu tilmaamay in ay ahaayeen kuwo Argagixiso ah, iskla markaana la xusay in lala damacsanaa Magaalada Hargeysa.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha laamaha amniga Somaliland oo ay uga hadlayaan weerarada la fashiliyay, waxaana saacadihii ugu dambeeyay siweyn loo adkeeyay amniga Hargeysa iyo Magaalooyin kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here