Sonko oo iska difaacay eedeyn uga timid shaqooyinkii uu ku wareejiyay dowladda dhexe

Guddoomiyaha ismaamulka Nairobi ,Mike Sonko ayaa gaashaanka u daruuray eedeymo loo jeediyay oo ah in lagu qasbay inuu afar ka mid ah waajibaadkii maamulkiisa hoos tagayay uu ku wareejiyay dowladda dhexe.
Shaqooyinkan waxaa ka mid ah qorsheynta iyo horumarinta ismaamulka, gaadiidka , caafimaadka iyo howlaha guud.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxtooyada dalka e State House lagu kala saxiixday heshiis ku aaddan arrintan.
Tallaabadaas kaddib ayay dadka dhaliila siyaasadda Sonko sheegeen inuu u taag waayay u adeegidda shacabka.
Hasa ahaate waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in isaga iyo madaxweynaha dalka ay xilli hore wada shaqeyn billaabeen sidaas awgeedna marka la eegay culeyska ka jiro caasimadda dalka iyo adeegyada shacabka ay u baahan yihiin la go’aansaday in shaqada la qeybsado.
Mike Sonko ayaa loo haystaa eedeymo musuqmaasuqa la xiriira oo lagu lunsaday 357.4 milyan oo shilin taasoo keentay in loo diido inuu tago xafiiskii uu bulshada ugu adeegayay.
Waxaa xaaladda mid cakiran ka sii dhigtay inuunan weli lahayn barasaab ku xigeen tan iyo markii horraantii sannadkii 2018-kii uu iscasilay Ploycarp Igathe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here