Sonko oo laga cafinaya dhibaato uu u gaystay taliyaha booliska ee xeebta

Taliyaha ciidamada booliska ee Gobolka xeebta, Rashiid Yaaquub ayaa shaaca ka qaaday inuu meesha ka saarayo dacwad ka dhan ahayd barasaabka ismaamulka Nairobi Mike Sonko taasoo la xiriirtay inuu dhibaateeyay.
Sonko ayaa loo haystaa in xilligii saraakiisha ammaanka ay ka soo qabanayeen garoonka yar ee diyaaradaha ee Ikanga ee Voi uu haraantiyay Rashiid Yaaquub.
Codsiga taliyaha ayaa maanta loo gudbiyay maxkamadda Voi oo uu barasaabka ka soo hormuuqday.
Saraakiisha waaxda dacwad soo oogidda ayaa hadda looga fadhiyaa inay si rasmi ah meesha uga saaraan cabashadii Sonko ka dhan ahayd in kastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in garsooraha uu xusay inuu berri arrintan go’aan ka gaaraya.
Mike Sonko ayaa maanta hor yimid maxkamadda ku talla Voi ee ismaamulka Taita Tavera si uga jawaabo dacwado la xiriira in u dhibaato geystay xiligii la soo xirayay 6-dii bishi Diseembar ee sanaadkii tagay.
Waxaa sido kale loo haystaa inuu diiday in ciidamada ay gacanta ku dhigaan oo uu aflagaaddo kula kacay.
Ammaanka maxkamadda Voi ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana iridda hore ee laga galo lagu arkayaa ciidamo tiro badan.
18-kii bishii Diseembar ee sannadkii hore ayuu Sonko ka baaqday inuu maxkamadda Voi iska xaadiriyo kaddib markii qareenada u doodaya ay xilligaas sheegeen inuu xanuunsanaa.
Xiligii la soo xirayay ayaa Mr Sonko lagu soo oogay eedeymo la xiriira musuq maasuq lacaged oo dhan 357.4 milyan oo shilinka dalka iyo lacagaha dadweynaha oo la sheegay inay ku takriifaleen isaga iyo qaar kamid ah saraakiisaha la shaqeyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here