Sonko oo sheegay inaan waratada la xiri Karin

Barasaabka caasimada dalka ee Nairobi, Mike Sonko ayaa amar ku bixiyay inaan la xirin dadka waratada ah ee ku ganacsado hareeraha waddooyinka magaala madaxda.
Qoraal uu soo dhigay Facebook-ga ayuu Sonko ku sheegay inuu tixraacayo amarkii ka soo baxay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ee ahaa in lagu dadaalo xakameynta faafidda cudurka.
Ilaa iyo hadda gudaha wadanka waxaa lagu arkay afar kiis oo la xiriira Corona.
Sonko ayaa qoraalkiisa ku xusay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan u hakiyay in saraakiisha maamulka hoose ee Nairobi ay xabsiga u taxaabaan dadka qutul maalmeedkooda ka soo dhacsado ganacsiga ay ka sameeyaan gudaha magaalada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here