Soo Saarida E-Cards-ka Huduma Namba Oo Bilaaban Doonta bisha Diseembar

Xoghayaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha Karanja Kibicho ayaa hadda sheegaya in soo saarka balaaran ee wajiga seddexaad ee kaararka Huduma Namba uu bilaaban doono ka hor dhamaadka sanadka.
Diiwaangelin labaad oo ballaaran oo loogu talagalay kuwa aan horay isu diiwaangelin ayaa sido kale la qaban doona sida uu Arbacadii u sheegay guddiga baarlamaanka.
Kibicho oo la hadlayay Gudiga Sharci dejinta ee loo xilsaaray Gudiga Barlamaanka Qaranka ee xaalada barnaamijka, ayaa sheegay in soo saarida kaaraka ay 90 boqolkiiba dhameystireen.
Waxa uu xusay in markii la soo gabagabeynayay diiwaangelintii ugu horeysay ee tirakoob ah sanadka 2019, la qabtay xogta 38 milyan oo Kenyan ah (oo isugu jira dad waaweyn iyo kuwa yar).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here