Soo xulista Xildhibaanada Galmudug oo dib u dhacday

Weli waxay caqabado horyaallaan Xuslita Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka maamulka Galmudug oo wajiyo dhowr ah soo marey,waxaana ilaa iyo hadda aan si rasmi ah loogu dhawaaqin Baarlamaanka Cusub ee maamulkaasi yeelanayo marka laga reebo Xildhibaannada la siiyay Ahlusunna.
Maanta oo ah 30ka Bisha December ayay ku beegan tahay Maalinta Guddiga doorashada Galmudug ay u asteeyeen in lagu dhawaaqo Xildhibaannada Cusub ee Galmudug,balse waxay wali u muuqato inay dib u dhacayaan xilliyada loo asteeyey xulista Xildhibaannada iyo doorashada hoggaanka Sare ee maamulka Galmudug.
Qaar ka mid ah shacabka Magaalada dhuusamareeb ayaa gudiga farsamada iyo maamul u dhisida Galmudug ku eedeeyay inaysan la tashan waxgaradka iyo dadka deegaanta taasna ay ka mid tahay caqabadaha ka hor imaanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here