Soomaali Burcad badeednimo u xirneyd oo dalka lagu soo celiyay

Maanta ayaa waxaa magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari laga dejiyay 13 maxbuus oo laga soo daayay xabsiyada waddanka Cummaan ,kuwaas oo ku eedeysnaa falal ay kamid yihiin Burcad badeednimo.
Maxaabiistaan ayaa waxaa ay xirnaayeen muddo sagaal sanadood ah,kadib markii Maxkamadda dalkaasi ay xukun ku riday, iyada oo la sheegay inay ku heshay dambi ah inay ka tirsanaayeen Kooxaha Burcad badeeda ah.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa socday dadaallo lagu sii daynayo maxaabiistan kuwaas oo ugu dambayntii lagu guulaystay lana geeyay Magaalada Boosaaso ee degaannada Puntland oo degaan ahaan ay kasoo jeedaan.
Qaar kamid ah maxaabiistaan oo Warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen inay ku faraxsa yihiin in xabsiyada laga soo daayo,isla markaana dhibaatooyin kala duwna ay la soo kulmeen.
Dawladda Soomaaliya ayaa horay waxa ay wadamo kala duwan ka keentay soomaali lagu eedeeyay burcad badeednimo iyada oo ay sannadihii ugu dambeeyay sii yaraanayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here