Soomaali ku xayirnaa Turkiga oo dalkooda lagu soo Celiyay

Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa maanta waxaa ka soo ambabaxay 94 qof oo Soomaali ah oo u safray magaalada Hargaysa e,waxaana halkaasi ka soo qaadday diyaaradda Daallo Airlines oo dowlada Soomaaliya ay todobaadyadaan ku soo daad guraynaysay Muwaadiniinteeda ku xaniban dalka Dibadiisa.
Dadkaasi ayaa waxaa in muddo ah ay ku xanibnaayeen dalka Turkiga sabab la xiriirta xayiraadda uu sababay cudurka COVID19 oo dalal badan ay joojiyeen duulimaadyadii Caalamiga ahaa iyo xitaa kuwii madaniga ahaa.
Safiirka Soomaaliya ee u fadhiya dalka Turkiga Danjire Jaamac Ceydiid ayaa uga mahad celiyey dhammaan dhinacyadii ka qayb qaatay dib usoo guryo noqoshada muwaadiniintaan Soomaaliyeed ee ku xiyirnaa Turkiga oo ay u suuragashay inay dalkooda Hooyo dib ugu Soo laabtaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here