Soomaali ku xayirneyd Koonfur Afrika oo dalka Soomaaliya lagu soo celiyay

Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ayaa dalkaasi dib ugu soo celisay muwaadiniin gaaraya 49 qof oo isugu jira dhallinyaro, Hooyooyin iyo carruur, kuwaas oo ku xanibnaa dalkaasi kaddib markii Dowladda Koonfur Afrika saartay bandow, ayadoo wali ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.
Muwaadiniintan oo doonayay inay dalkooda Hooyo dib ugu laabtaan ayaa ku xayirnaa dalkaas tan iyo intii uu bilowday cudurka COVID-19, waxayna Dowladda Koonfur Afrika gebi ahaanba joojisay bishii March ee sanadkan safarada lagu aadi jiray Adduunka,marka laga reebo muwaadiniinta dalkooda dib ugu laabanaya.
Dadkan ayaa ka mahadceliyay dadaalka ay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ay sameysay, waxa ayna sheegeen in Safaaradda ay qeyb weyn ka qaadatay dib ugu celinta dalkooda.
Dalka Koonfur Afrika waxa ayka mid tahay dalalka sida ba’an uu u saameeyay cudurka COVID-19, waxaana wali saaran xiyaarad inkastoo todobaadkii hore la qafiifiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here