Soomaali lagu dilay dalka Koonfur Africa.

Wararka Ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in Kooxo Burcad ah oo dalkaasi u dhashay ay xalay halkaas dil iyo dhaawac ugu geysteen laba Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Soomaalida Ganacsiga ku leh dalkaasi Koonfur Afrika.
Kooxaha Burcada ayaa goobtiisa Ganacsi ugu tegay Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Daahir Ciise C/Nuur,waxana la sheegay inuu u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaas ay ku dhufteen.
Raggii falkaasi ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday,wallow sida la sheegay aysan jirin wax Hanti ah oo ay halkaas ka qaateen.
Dhinaca kale koox kale oo hubeysan ayaa Xaafada isla dalkaasi Koonfur Afrika waxaay dhaawac ugu gesyteen Ganacsade Soomaaliyeed,xilli uu ku sugnaa Goobtiisa Ganacsi.
Muwaadinkiisa kale ayaa Magaciisa lagu soo gaabiyay Jeego,waxaana dhaawaciisa la geeyay mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla halkaasi.
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika ka socday dilal iyo boobka hantiyeed oo loo geysanayay dadka Ajaanibta ah oo ay Soomaalida ku jiraan,waxaana jiray dagaalo dhexmaray Ciidamada Booliska Koonfur Afrika iyo kooxaha Burcada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here