Soomaali Qaxooti ah oo laga soo celiyay dalka Yemen.

Ururka Caalamiga ah ee Muhaajiriinta Adduunka ayaa qaxooti Soomaali ah waxaay kasoo Celiyeen dalka Yaman
Qaxootigaan Soomaaliyeed ayaa laga dejiyey Dekadda Magalada Xeebeedka Barbara ee deegaannada maamulka Soomaaliland.
Qaxootigaan ayaa la sheegay inay Tiradoodu gaarayso ilaa 147 ruux waxaana ku jiray 56 Caruur ah,Doon ayaa looga qaaday Dekadda Magalada Cadaan ee dalka Yemen waxaana laga dejiyay dekadda Magalada Berbera.
Dadkaan qaxootiga Soomaalida ah ayaa waxaa saameyn ku yeeshay dagaalada ka socda dalka Yemen,waxaana la soo deristay xaalad Bani’aadanimo,oo ku qasbay inay dalkooda Soomaaliya dib loogu soo celiyo.
Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobey ayaa sheegay in xilligaan aysan wanaagsaneyn in Soomaaliya lagu celiyo qaxooti sababo ka jirta aawgeed,hayeeshee dadka iskood u dalbadanaya inay diyaar u yihiin ku laabashada dalkooda ay caawiyaan.
Dalka Yemen ayaa waxaa uu kamid yahay wadamada dadka badan oo Soomaalida ah ay qaxooti ku yihiin,kuwaasoo qaarkood ka cararay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya horay uga dhacay,halka qaar kalena ay Yemen Tahriib ku tageen, iyagoo doonayay inay dalkaasi kaga sii gudbaan Sacuudiga,hayeeshee ay dagaalada ka socda ku yeesheen saameyn dhinacyo badan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here