Soomaalida ku nool Koonfur Africa oo Albaabada isugu dhuftay Madaarista.

Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Wadanka Koonfur Africa ayaa Albaabada isugu Xiray Dhamaan goobaha lagu abrto Diinta Islaamka sida Masaajida,adarasooyinka iyo Duqsiyada Qur’aanka.
Sidoo kale waxaa xadadnaan fara badan laga Dareemayaa goobaha ganacsiga Tagaasida iyo shaqooyinkii caadiga ahaa ee dadka Soomaalida lug aqoon jiray gudaha dalka Koonfur Africa.
arintaan oo kadanbaysay markii madaxweynaha dalkaas uu ku dhawaaqay go’aamo la xiriira xakamaynta iyo ka hortaga Xanuunka COVID 19 ee hada uu Caalamku u maaro la’yahay.
Qaar ka mid ah jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Africa ayaa sheegay inay Waajib tahay ka qayb qaadashada Xakamaynta Xanuunka ayadoo la qaadanayo go’aamada dowlada sidaas darteedna ay masaajida iyo Madarasooyinka u Xireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here