Soomaaliland iyo Puntland oo shaaciyay xaalado Cusub oo Covid 19 ah

Masuuliyiinta Maaamulada Soomaaliland iyo Puntland ayaa shaaciyay xaalado cusub oo ah cudurka Covid 19 kuwaasoo deegaanada maamuladaasi lagu arkay.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus,kuwaasoo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay Cudurka iyo hal qof u geeriyooday cudurkaasi.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 32 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaasoo haatan ku jira xaalad karantiil ah halka qof ku noolaa Magaalada Hargeysa uu cudurka u geeriyooday.
Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 21 Rag ah iyo 11 Dumar ah ayaa waxaaay kala joogaan Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Berbera oo kiisaska ugu badan ee Soomaaliland laga helay ,waxaana dadka Cudurka laga helay ay da’dooda u dhaxeysaa 19 Sano jir ilaa 89 Jir sida au xaqiijiyeen gudiga Xakamaynta Covid 19 ee Soomaaliland.
Guddigu waxaay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga diiwaangeliyay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 257 Ruux 28 Ruux ay ka bogsoodeen halka 18 qof oo kalena ay u geeriyoodeen.
Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka Maamul Goboleedka Puntland ayaa shaacisay natiijada baaritaan lagu sameeyay dad looga shakisnaa Cudurka Coronavirus, oo Wasaaradu sheegtay in qaarkood laga helay Cudurka.
Qoraal kasoo Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay inuu hoos ugu dhacay dadka laga helayo Xanaanunka ee deegaanada maamulka Puntland,isla markaana dadkii la baaray oo gaarayay 87 Ruux Cudurka laga helay 8 Ruux oo kala ah 7 Rag ah iyo Hal qof oo Dumar ah.
Wasaaradda waxaay sheegtay in dadka laga helay Cudurka COVID 19 ay kala joogaan Gobolada Nugaal,Mudug iyo Gardafu,isla markaana haatan dadkaasi Cudurka laga helay ay ku jiraan xaalad karantiil ah.
Ugu dambeyn Guddiga ayaa waxaay sheegeen in tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ay gaartay 178 qof, waxaa u dhintay 6 qof halka ay ka caafimaadeen 15 qof.
Tirada la baaray ee laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland kama mid ahan xaaladihii cusbaa oo ay shalay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya,hayeeshee Maanta la filayo inay Wasaaradda shaaciso.
Maamulada Puntladn iyo Galmudug ayaa waxay dhanka kale iska kaashanayaan dagaalka ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-shabaab.
Wasiirka amniga Galmudug iyo wasiirka arimaha gudaha puntland oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegeen inay wadaan qorshe Magaalada Gaalkacyo looga dhigayo magaalo amnigeedu aad u wanaagsan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here