Soomaaliland iyo Puntland oo shaaciyay Xaalado Cusub Oo Covid 19.

Waaxaha Caafimaadka ee Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ayaa Maanta shaaciyay Xaalado cusub oo la xiriira Cudurka Safmarka ah ee Covid kuwaasoo deegaanadooda laga helay.
Soomaaliland ayaa Khamiista Maanta ah soo bandhigtay natiijada dad looga shakisnaa Caabuqa Coronavirus,oo baaritaano lagu sameeyey kadib qaarkood laga helay Cudurka.
War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta iyo Ka hortaga COVID-19 ayaa lagu sheegay in la baaray 40 qof oo ku la sugnaa Meelo kala duwa cudurkana laga helay 18 ruux oo dadkaas ka mid ah ,kuwaas oo dhamaantood ku sugan Magaalada Hargeysa ee Casimada Soomaaliland hadana ku jira xaalado karantiil ah.
Dadka Cudurka laga helay ayaa Guddiga Xakamaynta Covid 19 ee Soomaaliland waxaaay sheegeen inay da’dooda u dhaxeyso 9 jir ilaa 59 Sano jir halka ay Cudurka ka bogsadeen Saddex Ruux ooh or leh.
Ugu dambeyn Guddiga waxaay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga helay deegaannada Soomaaliland ay hada gaartay 384 Ruux 57 Qof ayaa ka soo bogsooday halka Tirada dhimashaduna ay Wali tahay22 Ruux.
Dhinaca kale War kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa lagu sheegay in maanta la baaray 14 qof, xanuunka laga helay 2 oo dadkaas ka mid ah kuwaasoo kala ah rag iyo dumar, kuna sugan Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaay sheegtay in Tirada guud ee dadka xanuunka laga helay deegaanada Maamulkaas ay gaartay 194 qof, waxaa u dhintay cudurka 6 qof halka ay ka bogsadeen 19 qof oo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here